U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Afgooye

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar saf ballaaran ah kusoo qaadeen degmadaasi, gaar ahaan fariisimo ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi.

Dad ku sugan Afgooye ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalka xooggiisa uu ka dhacay xaafadaha Siigaale iyo Ceel-qode ee degmada Afgooye, wuxuuna socday in ka badan Saacad.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa dagaalkasi ku dhintey, iyadoo dhaawacna uu  jiro, balse dhaawaca inta uu la egyahay weli lama hayo.

Waxaa jiray madaafiic kusoo dhacday xaafado ku dhow Wabiga , iyadoo ugu dambeyn ay dib u laabteen dagaalyahannada Al-shabaab.

Maamulka degmada Afgooye iyo saraakiisha ammaanka ee degmadaasi weli wax faah faahin ah kama aanay bixin dagaalladii dhacay, hase ahaatee xaaladda saakay waa mid aad u deggan.

Goobjoog News