U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Afgooye

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Al-shabaab ay in ka badan saacad ka dagaallamayeen halka loo yaqaano Mukayka degmada Afgooye oo fariisin u ahayd ciidamada dowladda Federaalka.

Weerarka dagaalkaan waxaa lahaa Al-shabaab, waxaana wararka ay sheegayaan in halkaasi ay gaadiid ka qaataan.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kana tagay deegaanka Baar Ismaaciil ayaa gurmad ahaan halkaasi u tagay, iyagoo ugu dambeyn dib u celiyay ciidankii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye saaka waa mid degan, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka ah.

Dhinaca kale weli faah faahin guud lagama bixin khasaarihii ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay degmada Afgooye.

Goobjoog News