U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Duleedka B/weyne

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay saq dhexe wuxuu ka dhacay duleedka magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in Al-shabaab ay xalay saq dhexe weerar xooggan kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka dowladda ku lahaayeen halkaasi, iyadoo ciidankii lasoo weeraray ay iska caabiyeen Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhintey Saddex qof oo dhinaycadii dagaallamay ah, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiil u hadashay ciidanka dowladda ayaa sheegay in dhankooda Hal askari ka dhintey, Al-shabaabna ay ka dileen Labo kale.

Waxaa laga yaabaa in khasaaraha dagaalka uu intaan ka bato, balse ma jirto faah faahin dheeraad ah oo dagaalkan laga helay.A

Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Hiiraan.

Goobjoog News