U bood dhigaalka

Faah faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Duleedka Degmada Luuq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xarakada Al-shabaab oo habeenkii xalay ahaa ku dhex maray deegaan duleedka ka ah degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Ciidamada dowladda Federaalka oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay weerar ka qaadeen dhanka degmada Luuq, iyaga oo ku baxay deegaan ku dhaw degmadaasi oo Al-shabaab fariisin u ahayd.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, waxaana labada dhinac ay dagaallamayeen ku dhawaad 3 saacadood.

Inkastoo aan la helin tirada dhimashada iyo dhaawaca, ayaa hadane Goobjooge ku sugan degmada Luuq, kana gaabsaday magaciisa waxa uu Goobjoog News u sheegay in la’isku adeegsaday hubka culus.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la xaqiijiyay in ugu dambeyn ay la wareegeen deegaankii lagu dagaallamay, halkaasi oo maanta ay ka wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

Xarakada Al-shabaab ayaa weli ku sugan deegaanno ka mid ah gobalka Gedo, iyadoo dhinaca kale ciidamada is garabsanaya ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan, kana dhan ah Al-shabaab.

Goobjoog News