U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gedo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal gelinkii dambe ee shalay illaa xalay fiidkii ka dhacay gobolka Gedo, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab.

Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen Tuulada Laheley oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab, waxaana halkaasi la xaqiijiyey iney la wareegeen ciidankii weerarka qaaday.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee hoggaaminayey howlgalladan ayaa si kooban ugu sheegay Goobjoog News, in saakay oo Khamiis ah halkaasi ka soconayo howlgallo amni xaqiijin ah.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo dagaalkii ka dhacay Laheley balse weli lama hayo tiro ahaan inta uu la egyahay.

Dhanka kale Al-shabaab weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan, hase ahaatee maalmahan dambe ciidamada dowladda ayaa xoojiyey weerarada ka dhanka ah Al-shabaab.

Goobjoog News