U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Xalay Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka dhacay deegaanno ku dhow degmada Cadalle ee gobolka Shabellaha Dhexe, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaannadaasi.

Cali Cabdulle oo ah guddoomiye ku xigeenka degmada Cadalle ayaa u sheegay Goobjoog News in ay iska caabiyeen Al-shabaab, islamarkaana ay wadaan weeraro cusub oo Al-shabaab looga saarayo deegaanno dhowr ah oo ay dagaal ku qabsadeen.

Labo qof ayaa la xaqiijiyey inay dagaalkaasi ku dhinteen, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana macquul ah in khasaaraha uu intaasi ka bato.

Warar soo baxaya waxay sheegayaan in ciidamada Al-shabaab ay u suurta gashay inay la wareegeen deegaan lagu magacaabo Wargaadi oo dhanka bari kaga aadan degmada Cadalle.

Xaaladda deegaannadii lagu dagaallamay weli waa mid kacsan, waxaana maalmihii dambe Al-shabaab ay xoojiyeen dagaallada ka dhanka ah ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Shabellaha Dhexe.

Goobjoog News