U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaano Hoostaga Degmada Baladxaawo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal-hCiidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Kenya ayaa dagaal kula wareegay deegaano hoostaga degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.

Ciidamadaan is garabsanaya ayaa duulaan ku qaaday deeganadaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamada Al-shabaab, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal qasaare geystay.

Korneel Cismaan Nuux Xaaji oo ka mid ah saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobalka Gedo ayaa u sheegay Goobjoog Fm in dagaalkaasi ay ku guuleysteen ayna dileen Sedax ka mid ah Al-shabaab, ayna qabsadeed gaadiid, iyagana dhinacoodana waxa uu qasaaraha ku sheegay dhaawaca Hal askari.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Korneelkaan in ay hadda gacanta ku hayaan deegaano badan oo Buulo Xaaji ka mid tahay, sidoo kalena ay ku wajahanyihiin deegaanka Tuulo Barwaaqo oo halkaasi ku dhaw.

Al-shabaab war kooban oo ay soo saareen waxay ku sheegeen in dhankooda ay guulo ka gaareen dagaaladaasi, sidoo kalena ma aanay shaacin in deegaano ku dhaw degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo lagala wareegay.

Ugu dambeyntii saraakiisha dowladda Soomaaliya ee gobalka Gedo iyo kuwa AMSIOM ayaa sheegay in ay bilaabeen dagaalo ka dhan ah Al-shabaab, ayna doonayaan in guud ahaan deegaanada weli gacanta dowladda ka maqan ay deg deg ku qabtaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News