U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgal Ka Sameeyay Degmada Wadajir Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ayaa habeenkii xalay ahaa waxya howlgallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyeen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Xaafadda Buulo-xuubey iyo xaafado kale oo degmadaasi ka tirsan ayeey ciidanka howlgalkaan ka sameeyeen, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidanka guri guri u galeen xaafaddaasi.

Ciidamada ayaa dadka isugu keenay meel fagaaro ah dhammaan dadka ay howlgalkaan kusoo qabteen iyagoo inta badan sii daayey dhallinyaro ay ciidamada guryahooda kala soo baxeen.

Mid ka mid ah dhallinyaradii ay ciidanka howlgalkaan ku qabteen oo magaciisa kaa gaabsaday ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay dhallinyarada u sheegeen inay sameystaan kaararka dowladda hoose.

Saraakiishii howlgalkaan hoggaamineysay iyo maamulka degmada Wadajir wax war ah kama aanay  soo saarin howlgalkaasi.

Goobjoog News