U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Sameeyay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaanno ka mid ah bariga gobolka Hiiraan.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo, waxayna ciidanka ay ku faafeen deegaanno ku yaalla duleedka degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya islamarkaana la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in howlgalkaan uu daba socdo kadib markii ay maqleen dhaq dhaqaaqyo ciidan oo deegaannadaasi ay ka wadeen Al-shabaab.

Ma jirto cid lagu soo qabtay howlgalkaan oo ah mid weli socda, waxaana la tilmaamay in ciidamada ay deegaannada qaar guri guri u galayaan.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waday howlgallo amni xaqiijin ah, xilli Al-shabaab ay xoojiyeen dagaallada ka dhanka dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Goobjoog News