U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaan Ka Tirsan Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Gamboole oo ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay in saakay ay ku jarmaadeen deegaankaasi, waxayna dadka deegaanka ay xaqiijiyeen in dagaal la’aan ay ciidamadan halkaasi la wareegeen.

Waxaa jira howlgal la sheegay iney ciidamada dowladda Federaalka ah ka wadaan deegaankan oo muhiim u ahaa dagaalyahannada Al-shabaab.

Deegaanka Gamboole ayaa qiyaas ahaan waxa uu 50 KM u jiraa degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana deegaankaasi ku yaalla maxkamado ay lahaayeen Al-shabaab.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News