U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Oo Howlagallo Ka Sameeyay Deegaanno u Dhaxeeya Muqdisho Iyo Afgooye

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Nabad sugidda ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaannada u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Howlgalkaan oo saacado badan socday ayaa ciidamada waxay ku baarayeen guryaha halkaasi ku yaalla, waxaana uljeedka howlgalkaan la sheegay inuu ahaa mid lagu raadinayo cid walba oo ka mid ah Al-shabaab.

Dhowr qof ayeey ciidamada kusoo qabteen, kuwaa oo qaarkood lasii daayay ka dib markii laga waayay tuhunka ah Al-shabaab inay ka mid yihiin ama xiriir ay la leeyihiin, halka inta soo hartayna la sheegay in la baarayo, inkastoo tirada dadka la xiray aan la shaacin.

Ciidamada dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa Nabad sugidda ayaa howlgallo amniga lagu xaqiijinayo waxay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo sidoo kale qaar ka mid ah gobalada dalka.

Goobjoog News