U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Dad Lagu Qabtay Ka Sameeyay Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal dad lagu qabtay waxay ka sameeyeen deegaanno hoostaga degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Ciidamadan ayaa howlgalkaan waxay kusoo qabteen dad looga shakisan yahay iney xiriir la leeyihiin Xarakada Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigenka gobolka Shabellaha Hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle  ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaan lagu qabtey 8 qof, 4 kamid ah dadkaasi lasii daayey kadib baaritaan lagu sameeyay, halka 4 kale ay baarayaan.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in ciidamada ay burburiyeen saldhiyo Al-shabaab ku lahaayeen deegaannada holwgalkaan laga sameeyay.

Al-shabaab dhankooda kama hadal waxa ka jira saldhiggan laga burburiyey, waxaana maalmahan socday howlgallada ay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ka wadeen gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News