U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Dhiig Ku Daatay Ka Sameeyay Baydhaba

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa howlgal amni xaqiijin ah waxa ay habeenkii xalay ahaa ka sameeyeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, kaasi oo sababay dhimashada Hal qof.

Korneel Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah taliyaha Booliiska ee gobalka Baay ayaa Goobjoog News waxa uu u sheegay in ciidamada amniga ay ku baxeen wadooyinka guud ee magaaladaasi, si ay usoo qabtaan rag uu sheegay in shacabka ay Isbaaro u dhigan jireen.

Taliyaha ayaa xaqiijiyay in halkaasi uu ku dhintay mid ka mid ah ragii hubeysnaa ee uu sheegay in shacabka ay isbaaraysanayeen, isaga oo hadalkiisa ku daray in ragaasi ay qabeen dareeska ciidanka.

“Seddax qof ayeey ahaayene, dharka ciidamada ayeey wateen, shacabka ayeeyna Moobilada ka qaadanayeen, habeenadaan dambe ayaan baadi goobaynay, mid ayaa ka dhintay, kuwa kale ee nool iyaguna baadigoob ayaan ugu jirnaa” ayuu yiri Taliyaha.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Baydhaba kusoo badanayay falal amniga liddi ku ah, gaar ahaan koox hubeysan oo dhac ka geysan jiray wadooyinka waaweyn ee mara magaalada Baydhaba.

Goobjoog News