U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmooyin Ka Tirsan Muqdisho

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay howlgal ka sameeyeen degmooyinka Howlwadaag, Waabari iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu sheegay in amniga lagu xaqiijinayey.

Ciidamada howlgalka ka sameeyey degmada Waabari ayaa la sheegay iney qabteen dhowr dhallinyaro oo su’aallo ay weydiinayeen, waxaana jira xaafadaha qaar oo ciidanka guryahooda baareen.

Sidoo kale ciidamada ayaa waxay howlgal midkaan lamid ah ka sameeyeen degmooyinka Boondheere iyo Howlwadaag, waxaana si rasmi ah loo shaacin tirada dadka ee howlgalkaan lagu qabtey.

Mas’uuliyiinta degmooyinka ay howlgalkaan ka sameeyeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya weli wax war ah kama aaney soo saarin howlgalkaan, xiriir aynu la sameynayna waa ay inoo suurageli weysay inaan qadka telaafanka ku helno.

Howlgalladan ayaa imaanaya xilli magaalada Muqdisho la filayo in 8-da bishan lagu qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News