U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Dowladda Oo Howlgallo Ka Wada Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ay howlgallo ka wadaan xaafado  ka mid ah magaaladaasi.

Qof ku sugan magaalada Marka ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ciidamada ay howlgalkaan ka sameeyeen xaafado ay ka mid tahay xaafadda Ruusiya.

Weli ma cadda tirada dadka lagu soo qabqabtay howlgalkaan, hase ahaatee ciidamada ayaa qaar ka mid ah guryaha halkaasi ku yaalla gudaha u galay.

Dhinaca kale gabaldhacii shalay qarax Bam oo ka dhacay magaalada Marka ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan Hal qof, kadib markii lagu weeraray askar ka tirsan dowladda Federaalka ah, waxaana qaraxaasi kadib howlgal ay ciidanka sameeyeen ku qabqabteen in ka badan 20 ruux.

Ammaanka magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose weli kuma jiro gacan adag, inta badan waxaa magaaladaasi ka dhaca falal amniga ka dhan ah.

Goobjoog News