U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Itoobiya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Bakool

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku socday degmadaasi uu jidka ku qabsaday weerar ay qaadeen Al-shabaab.

Rasaasta labada dhinac ay isku adeegsanayso ayaa laga maqlayay meelo kamid ah gobolka Bakool.

Dagaalkani ayaa ka dhacay duleedka degmada Rabdhuurre ee gobalkaas Bakool waxaana hadda lasoo sheegayaa in ay soconayaan howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka meelihii lagu dagaallamay.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku socdeen baabuurta gaashaaman ee dagaalka iyo kuwa kale.

Saraakiil ku sugan Xudur oo la hadlay Goobjoog ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah isla markaana wax khasaare ah uusan ka soo gaarin ciidamada Itoobiya.

Waxaa saaka deggan xaaladda deegaanno kamid ah gobalka Bakool oo ay ku dagaallameen ciidanka Itoobiya iyo Xarakada Alshabaab.

Goobjoog News