U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Itoobiya Oo Howlgallo Ka Sameeyey Hiiraan

Sheeko:Dalka

Ciidamada Itoobiya ayaa habeenkii xalay howlgallo ka sameeyay degaanno ka tirsan gobolka Hiiraan, ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgallada ayaa waxay ka dambeeyeen kaddib dhowr degaan oo gobolka ah markii ay ku dagaallameen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Al-shabaab.

Wararka gobolka Hiiraan ka imaanaya ayaa sheegaya in ciidanka Itoobiya oo howlgallada waday wax ka badan 10 Saacadood in degaan la yiraahdo Beerxaano ay ku dileen wiil iyo Aabbihiisa.

Dhanka kale, waxaa howlgallo ay ka jiraan degaanno ku dhow degaanka Halgan ee Hiiraan iyadoo ay deggan yihiin degaannada xiriiriya Baladweyne iyo Buuloburde oo lagu dagaallamay.

Ciidamada Itoobiya ayaa weeraro kala kulmay Al-shabaab, iyaguna waxay wayeello u geystaan shacabka aan waxbo galabsan.

Goobjoog News