U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Jubbaland Iyo AMISOM Oo Howlgal Ka Wada Dhoobley, J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM ee Kenya ayaa howlgallo waxay ka wadaan degmada Dhoobleey ee gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan dhanka xuduudda aan rasmiga ahayn ee Soomaaliya iyo Kenya.

Korneel Heybe Axmed Cabdullaahi oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in dedaallo badan ay ku bixiyeen sidii ay uga gaashaaman lahaayeen weerarro kaga yimaada Xarakada Al-shabaab.

Waxa uu tilmaamay in ay jiraan ciidamo boolis ah oo Jubbaland ay u diyaarisay degaannada ku dhow Dhoobleey si ay u hantaan nabadglayada degaannadani oo dhammaantood ah kuwa hoostaga Dhoobleey.

“Ciidamada howlgalladooda waa kuwo aan joogsi lahayn, waxaynu la dagaalannaa Al-shabaab oo isku daya inuu amniga qalqalgeliyo, Booliiska Jubbaland waxay ka howlgalayaan dhammaan deegaannada ku dhow Dhoobley” ayuu yiri Korneelka.

Dhoobleey ah magaalo muhiim u ah  isku socodka iyo nabadgalyada Soomaaliya iyo Kenya, waxayna kamid tahay magaalooyinka Koonfurta Soomaaliya oo Kenya amnigeeda ka ilaashato inkastoo haddana ay mararka qaar weerarro ka dhacaan.

Goobjoog News