U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamada Kenya Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Gedo

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay deegaanka Fafax-dhuun ee goblka Gedo, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ay ciidanka Kenya ku leeyihiin deeganakaasi, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad Labo saac.

Inta la xaqiijiyey Afar qof ayaa dagalakaasi ku dhimataya, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Saraakiisha ciidank Kenya kama aanay hadal dagaalkan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in Al-shabaab ay gudaha u galeen halka ay deganaayeen ciidanka Kenya.

Xaaladda deegaanka Fafax-dhuun maanta aad ayeey u deggan tahay, wallow halka lagu dagaallay ay gaareen ciidamo badan oo Kenyan ah.

Goobjoog News