U bood dhigaalka

Faah Faahin: – Ciidamada Kenya Oo Ka Baxay Deegaanka Ceelcadde Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Ciidamada Kenya oo ka mid ah AMISOM ayaa saaka isaga baxay deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo, halkaasi oo dib ay u qabsadeen Xarakada Al-shabaab.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog News ayaa xaqiijiyay in ciidanka Kenya ay ka guureen xeradaasi.

Waxa uu sheegay goobjoogahani in Al-shabaab markii ay halkaasi qabsadeen ay meel fagaare ah kula hadleen dadka shacabka ah ugana digeen inay galaan xeradii ay ciidanka Kenya faarujiyeen arrimo amniga la xiriira.

Xaaladda deegaanka Ceelcadde ayaa deggan, inkastoo shacabkii fara ku tiriska ahaa ee halkaasi ku dhaqnaa ay ka baqayaan in dagaallo ay ka dhacaan deegaankaasi.

Ciidamada Al-shabaab ayaa 15-kii bishaan waxay weerar ku qaadeen xero ay ciidamada Kenya ku lahaayeen deegaanka Ceelcadde halkaasi oo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News