U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamo Itoobiyaan Ah Oo Qarax Lagula Eegtay Gobolka Baay

Sheeko:Amniga

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa in qarax lagula eegtay degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay, kaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Qaraxan waxaa la sheegayaa inuu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana uu ka dhacay fariisin ay ciidankaan ku leeyihiin nawaaxiga saldhigga Booliiska Qansaxdheere.

Labo Askari oo ka kala tirsanaa ciidanka Itoobiya iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa lagu soo waramayaa in qaraxan ay ku dhinteen, waxaana ku dhaawacmay Afar kale.

Qaraxa kadib, ciidanka Itoobiya ayaa jihooyin badan u furay rasaas aad u badan, lamana oga khasaaraha ay rasaastaasi geysatay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News