U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Qarax Lagula Eegtay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax la sheegay inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa barqadii maanta waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaa oo saarnaa gaari nooca loo yaqaano Cabdi Bile islamarkaana marayey wadada Warshada ee magaalada Muqdisho.

Hal qof oo la sheegay inay haweeney ahayd ayaa qaraxaasi ku geeriyootay, taasi oo ka dhaweyn halka qaraxan uu ka dhacay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa gaaray halka qaraxa ka dhacay iyaga oo saacado xiray wadadaasi, waxaana hakad galay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee wadadaasi.

Saraakiisha amniga ee dowladda Federaalka kama aysan hadal qaraxan iyo sidoo kale khasaaraha soo gaaray askartii gaarigaasi saarneyd.

Falalka amniga ka dhanka ah ayaa maalmahan dambe kusoo badanaya magaalada Muqdisho, waxaana 25-kii bishan weerar shacab ay waxyeello kasoo gaartay Al-shabaab ku qaadeen Hoteelka Naaso-hablood ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News