U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamo Ka Tirsan Dowladda Oo Qarax Lagula Eegtay Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa qarax Bam lagula eegtay bartamaha magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose, halkaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Hal qof ayaa ku geeriyootay Bamkaasi sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay Laba qof kale kuwaa oo dhammaantood ka tirsanaa ciidankii Bamka lagu weeraray.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in ciidanka ay fureen rasaas iyaduna sababtay dhaawaca dad shacab ah oo halkaasi ka dhawaa sida Goobjoog News ay u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah.

Xilliga ciidankaan qaraxan lagu tuurayey ayaa la sheegay in halkaasi ay qaab lug ahaan ah ku marayeen, inkastoo xaaladda magaalada Marka ay tahay saaka mid deggan.

Magaalada Marka oo xarun u ah gobalka Shabellaha Hoose, waxay magaalada Muqdisho dhanka Koonfureed kaga beegan tahay 110 KM, waxaana magaaladaasi weli ay tahay mid amnigeedu aanu sugneyn.

Goobjoog News