U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamo Ka Tirsan Puntland Oo Qarax Lagula Eegtay Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Askar ka tirsan ciidanka maamulka Puntland ayaa gabal dhacii maanta waxaa qarax Miino lagula eegtay duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnayeen ciidamadan, islamarkaana kasoo baxay deegaanka Galgala kuna soo wajahna Boosaaso ayaa waxaa haleeshay miinadan oo ahayd mid dhulka lagu aasay.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintey Labo kamid ah ciidamada Puntland iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Mas’uuliyadda qaraxan waxaa sheegtay dagaalyahannada Al-shabaab, waxaana ay tilmaameen in qaraxan ay ku dileen ciidan iyo saraakiil ka tirsan Puntland.

Dhanka Puntland wax war ah illa iyo hadda kama aanay soo saarin qaraxan ka dhacay duleedka Boosaaso, balse Al-shabaab ayaa xoojiyey maalmahan dambe weerarada ka dhanka ah Puntland.

Goobjoog News