U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidamo Ka Wada Tirsan Hirshabelle Oo Ku Dagaallamay Sh/dhexe

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal shalay ka dhacay deegaanka Malable oo ku dhow deegaanka Ceel-macaan ee gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeyey ciidamo ka wadatirsan Hirshabelle, gaar ahaan kuwo ilaalo u ahaa Cismaan Xaadoole oo ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo dekadaha ee maamulkaasi iyo kuwa maamulka degmada Balcad.

Inta la xaqiijiyey waxaa halkaasi ku geeriyootey Afar Askari, waxaana ku dhaawacmay 5 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiil Hirshabelle ah.

Saakay ayaa lagu soo waramayaa in xaaladdu ay tahay mid wanaagsan, balse waxaa goobtii lagu dagaallamay ka jirta walwal ay qabaan dadka shacabka ah.

Maamulka Hirshabelle weli kama aanay hadal dagaalkan dhexmaray ciidamadan ka wada tirsan maamulkaasi, iyadoo dagaalkanna la ogaan waxa uu salka ku hayo.

Goobjoog News