U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Baydhabo

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay maanta howlgal ballaaran ka sameeyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Howlgalkaan ayaa ahaa mid ammaanka magaaladaasi lagu xaqiijinayey, iyadoo dhanka kalena lagu raadinayey rag shalay la sheegay in Bam gacmeed ku tuureen gurio ku yaalla magaaladaasi.

Howlgalkan ayaa xooggiisa waxay ciidamada ka sameeyeen sida la sheegay xaafadda Wadajir ee Baydhabo, iyadoo dad badan lagu soo qabtay.

Goob joogayaal ayaa inoo xaqiijiyey in ciidamada ay soo qabteen dad u badan dhallinyaro, kuwaasi oo su’aallo lagu weydiinayo saldhigga Baydhabo.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, halkaasi oo lagu wado in 19-ka bishan ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed.

Goobjoog News