U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka DFS Oo Howlgal Ka Sameeyey Degmada Hodon Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay xalay degmada Hodon ee magaalada Muqdisho ka sameeyeen ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Howlgalkan ayeey ciidanka waxay si gaar ah uga sameeyeen xafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana la sheegay in lagu qabtay rag u badan dhallinyaro.

Saraakiisha ammaanka ee hoggaamineysa howlgalkan ayaan jirin wax faah faahin ah oo ay ka bixiyeen, iyadoo dadka la qabtay la sheegay in la baarayo.

Ciidanka DFS ayaa xoojiyey howlgallada ammaanka lagu sugayo ee ay ka sameynayaan qaar ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Goobjoog News