U bood dhigaalka

Faah Faahin: Ciidanka Kornayl Caare Oo Weeraray Saldhig Ay Ciidanka Somaliland Ku Lahaayeen Ceerigaabo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay xalay ciidanka Jabhadda Kornayl Caare ku qaadeen saldhig ay ciidamada Somaliland ku lahaayeen magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Weerarkan oo ahaa mid gaadmo ah ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Ceerigaabo.

Inkastoo aan si ramsi ah loo xaqiijin karin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkan, ayaa hadana waxaa la sheegayaa in Labada dhinac is hayeen ku dhowaad Saacad.

Ma jiro wax hadal ah oo Labadan dhinac kasoo saareen dagaalkan.

Xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa ah mid deggan, balse ciidanka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa iney wadaan dhaq-dhaqaaqyo.

Marar badan waxaa fashilmay wadahadllo la doonayo in la isugu keeno Kornayl Saciid Cawil Jaamac (Caare) iyo sidoo kale xukuumadda Somaliland.

Goobjoog News