U bood dhigaalka

Faah faahin: Ciidanka Puntland Oo Howlgallo Ka Sameeyey Gobolka Bari

Sheeko:Amniga

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland, loona yaqaan PSF ayaa howlgallo waxay ka sameeyeen saacadihii lasoo dhaafay deegaanno ku yaalla buuraha Cal-madow ee gobolka Bari.

Howlgalkan ayaa intii ay ciidankan wadeen waxa ay dagaal kala kulmeen xubno la sheegay iney ka mid ahaayeen Al-shabaab, balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Saraakiil ka tirsan Puntland, qeybna ka ahayd howlgalkan ayaa si kooban ugu sheegay warbaahinta ay khasaare gaarsiiyeen Al-shabaab, welina howlgalka uu yahay mid socda.

Ciidanka Puntland ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, kuwaasi oo ay ka wadaan dhulalka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Maalin ka hor ayeey ahayd markii ay kooxda Daacish halkaasi kusoo bandhigeen xubno ay sheegeen in tababar usoo gabagaboobay.

Goobjoog News