U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Dab Baabi’iyay Suuqii Degmada Ceel-waaq Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Dab geystay khasaare hantiyadeed oo aad u badan ayaa ka kacay suuq ku yaalla degamada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo lagu magacaabo Suuq Buusaar, iyadoo aan la ogeyn waxa sababay dabkan.

Wararka laga helay degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in dabkan oo xalay saqdii dhexe kacay uu socday illaa saakay aroortii, isaga oo gubay in ka badan 40-dukaan iyo guryo kale oo ku dhow suuqa oo ah kii ugu weynaa degmadaas.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka degamda Ceelwaaq Faarax Macalin Bishaa r(FaaraxTarar ) oo la hadlay Goobjoog News yaa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatada suuqaasi ku habsatay, isagoo sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan arintaasi

“Si lama filaan ah ayuu dabku ku kacay, waxaana ku gubtay dukaamo ay ku jireen hanti fara badan, lama oga sababta dhalisay dabka, illaa xalay oo dhanna waa socday, inkastoo saakay lagu guuleystay in la damiyo,” ayuu yiri Faarax Macalin Bishaar (FaaraxTarar).

Waa markii 3-aad oo dab baa bi’yay Suuqa Ceelwaaq uu degmadaasi ka kaco, Inkastoo aan la ogeyn qiyaasta hantida suuqaas ku gubatay haddana waa mid dhibaato badan u geysatay ganacstadii suuqaas hantida ku lahaa, iyadoo dhibaatooyinka noocan oo kale ay kusoo laalaabteen suuqyada ku yaalla dalka.

Goobjoog News