U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dab Ka Kacay Bakhaar Hubka Lagu Keydiyo, Mudug (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab xooggan oo saakay ka kacay bakhaar hubka lagu keydiyo kaasi oo ku yaalla deegaanka Docol ee gobolka Mudug.

Dabkan oo loo maleynayo inuu koronto ka dhashay ayaa waxaa uu baab’iyey dhammaan hubkii halkaasi yaallay, sidey sheegeen dadka deegaanka.

Wariyaheenna Cali Cayn ayaa soo sheegaya in Bakhaarkan uu ahaa mid ay hubka ku keydsan jireen dadka deegaanka, welina ay socoto baariraanka saxda ah ee waxa dabkan uu ka dhashay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News