U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dab Ka Kacay Suuq Bacaad, Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay Suuqa Labaad ee dalka, Suuq Bacaad, kaasi oo khasaare hantiyeed geystay.

Ganacsatada Suuqaasi qaarkood oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in dabkaan uu ka kacay dhanka Kabaha ee Suuqa.

Dabka ayaa fiday kadib markii gaadiidka damdamiska ah ay waayeen waddooyin ay ka galaan suuqa, gaar ahaan halka dabka uu ka kacayey.

Koronto ayaa la sheegay in dabkaan uu ka dhashay, waxaana ugu dambeyn dabdamiska gobolka Banaadir iyo Hormuud ayaa ku guuleystay in dabka damiyaan.

Ganacsatada khasaaraha uu kasoo gaaray dabkan ayaa wada xisaabinta hantiada ka khasaartay.

Ma jiro taxadar ah in laga hortago dabka markii uu sidan oo kale uga kaco suuqyada waaweyn ee dalka inaanu sii fidin, sababtuna waxay tahay suuqayada malahan dabsamis u gaar ah oo heegan ugu jira.

Goobjoog News