U bood dhigaalka

Faah faahin: Dab Ka Kacay Xarumo Ganacsi Oo Ku Yaalla Jowhar

Sheeko:Dalka

Dab xalay ka kacay xarumo ganacsiga oo ku yaallay magaalada Jowhar ayaa sababay khasaare hantiyeed oo aad u badan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dabkan uu ka kacay dhisme weyn oo ku yaalla Jowhar, wuxuuna ka koobnaa dhismahan qeyb deegaan ah, bakhaaro iyo xarumo ganacsi kale.

Dadka deegaanka oo halkaasi isugu soo baxay ayaa ku guuleystay iney soo badbaadiyaan qoys halkaas deganaa, balase waxaa wada gubtay wax walbo hanti ay lahaayeen.

Dabkan oo aan illaa iyo hadda si rasmi ah aan loo ogayn sababta keentay ayaa waxaa ku gubtay dhammaan hantidii tiil goobahaas ganacsi oo isugu jirtey baqaarro lagu iibiyo qalabka dhismaha,farmashiyaal jumlo iyo tafaariiq ah,dukaan lagu iibiyo dahabka iyo dukaan lagu iibiyo bagaashka.

Goobjoog News