U bood dhigaalka

Faah faahin: Dagaal Ka Dhacay Afgooye (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay dagaal wuxuu ku dhexmaray Galbeedka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa la sheegay in abbaare 12-kii saq dhexe ee xalay ay weerar xooggan kusoo qaadeen fariisin ciidanka DFS ku lahaayeen halkaasi.

Waxaa jira khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaasi, hase ahaatee inta uu la egyahay lama oga.

Maanta waxaa deggan guud ahaan xaaladda degmada Afgooye, iyadoo ciidanka DFS ay wadaan howlgallo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News