U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Deegaanka Bariire Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay wuxuu ka dhacay deegaanka Bariire ee gobolka Shabellaha Hoose.

Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen saldhig ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana dagaalka uu ahaa mid culus.

Waxaa la maqlayey rasaas xooggan oo ay Labada dhinac is weydaarsanayeen, taasi oo baqdin gelisay dadka shacabka ah.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha ciidamada lugta ee xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta dowladda in ay ka hortageen weerarka ay Al-shabaab damacsanaayeen, islamarkaana khasaare xooggan kusoo gaarsiiyeen.

Taliyaha ayaa sheegay in halkaasi ay Al-shabaab uga dileen 20, dhaawacna badanna ay la baxsadeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo, hase ahaatee waxay maalmahan kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan xarumada ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin gobollada dalka.

Goobjoog News