U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Balanbal Ee Galgaduud

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal habeenkii xalay ahaa ka dhacay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyey maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed, wuxuuna dagaalkan socday saacado badan.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay waxay sheegeen in dagaalkaasi uu ka dhacay inta badan xaafadaha degmadaasi.

Inta la hubo waxaa dagaalkan ku geeriyootay Saddex qof, iyadoo dhaawacna uu jiro, waxayna waxyeellada u badan tahay maleeshiyaadkii dagaallamay.

Inkastoo ay saakay xaaladdu tahay mid deggan ayaa hadana waxaa lasoo sheegayaa iney jirto xiisad u dhaxeysa Labada dhinac.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News