U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo gelinkii dambe ee maanta degmada Qoryooley ee Shabellaha Hoose ku dhexmaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku leeyihiin degmadaasi.

Goob jooge ayaa u sheegay Goobjoog News, in weerarkaan uu ku bilowday qaraxyo u muuqday Ismiidaamin, sidoo kalena dagaalka uu xigay.

Ugu yaraan Labo ruux ayaa ku geeriyootey dagaalkaasi, iyadoo Afar kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dagaalkaasi uu socday in ka badan saacad.

Dhinacyadii ku dagaallamay Qoryooley weli kama aanay hadal dagaalkaan, waxaana xaaladda guud ee caawa degmada Qoryooley ay tahay mid aad u deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News