U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Toyeeglow Ee Bakool

Sheeko:Dalka

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool, kaasi oo ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalkan uu ku billowday weeraro is qarxin ah oo lala eegtay fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ku lahaayeen halkaasi, waxaana xigay dagaal toos ah oo halkaasi Labada dhinac ku dhexmaray.

Dagaalka ayaa ahaa mid xooggan, waxayna Labada dhinac isku adeegsadeen rasaas culus, iyadoo la sheegay in saacado badan halkaasi lagu dagaallamayey.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa dib uga soo baxay degmada Tiyeeglow, iyadoo dhanka kale la sheegayo in Al-shabaab iyaguna aaney soo gelin gudaha degmadaasi.

Inta la xaqiijiyey dagaalladaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 5 qof oo dhinacyadii dagaallamey ah, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana dhici karta in khasaaraha dagaalka uu intasi ka bato.

Maamulka degmda Tiyeeglow weli wax war ah kama aanu soo saarin xaaladda guud ee demadaasi, iyadoo isgaarsiinta degmada la xaqiijiyey iney hawada ka maqan tahay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News