U bood dhigaalka

Faah faahin: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Balcad Ee Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka degmada Balcad iyo maleeshiyaad hubeysan ayaa maanta ka dhacay duleedka degmadaasi, waxaana dagaalkaan ka dhashay khasaare kala duwan.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka degmada Balcad Abukar Aadan Codey ayaa u sheegay Goobjoog News, in raggan ay la dagaallamayaan ay Miino dhigeen gudaha degmadaasi, taasi oo markii ay qaraxday waxyeello u geysatay dad shacab ah.

Waxa uu tilmaamay guddoomiye ku xigeenka in raggan oo tiro ahaan gaaraya 10 ay isku dayeen iney soo qabtaan, balse ay ku carareen dhul keyn ah oo duleedka Balcad ku yaalla, illaa iyo haatanna ay halkaasi kula dagaallamayaan.

“Niman aan 10 ka badneyn ayaa miino ku aasay degmada, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waan ka warhelnay waan ku baxnay waxay ku carareyn keynta, waana ku hareereysannahay, rasaas ayaa socota, waxaana ku hammineynaa inaan soo qabanno” ayuu yiri giuddoomiye Codey.

Dhanka kale waxaan guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga Balcad wax ka weydiinnay khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkan iyo qaraxa dhacay, wuxuuna sheegay in saacadaha soo aadan ay faah faahin guud siin  doonaan saxaafadda.

Goobjoog News