U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Qoryooley, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab  ka helayey kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidankaan ku lahaayeen deegaanka Mashalaay oo duleedka ka ah degmada Qoryooley.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay Saddex qof oo mid kamid ah yahay shacab, Iyadoo khasaarahana intaasi ka badan karo.

Saraakiil ka tirsan xoogga dalka ayaa sheegay in khasaare xooggan ay soo gaarsiiyeen dagaalyahannada Al-shabaab, balse dhanka Al-shabaab war lagama hayo.

Xaaladda deegaankii lagu dagaallamay saakay waa mid deggan, iyadoo shacabkii halkaasi ku dhaqnaa ay soo wada aadeen dhanka degmada Qoryooley.

Al-shabaab ayaa marar badan weerar ku qaaday ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan deegaanno kamid ah gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News