U bood dhigaalka

Faah faahin: Dagaal Ka Dhacay Gobolka Baay

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay deegaanka Daynuunay ee gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii ay Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisin ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen deegaankaasi.

Afar askari oo ciidanka dowladda ayaa la xaqiijiyey in dagaalkan ay ku dhinteen, iyadoo dhanka kalena uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dagaalyahannada Al-shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in Al-shabaab ay daqiiqado la wareegeen Daynuunay, walow markii dambe dib looga saaray.

Xaaladda Daynuunay waa mid deggan, mana jirto wax war ah oo weli si rasmi ah uga soo kala baxay dhinacyadii dagaallamay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News