U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Jabuuti ee ka midka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalkan uu bilowday kadib markii Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo ciidamada Jabuuti la socdeen, kuwaa oo marayey duleedka degmada Jalalaqsi.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaasi ku dhaawacmay 6 qof, waxaana uu socday in ka badan 30 daqiiqo.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin bulshada waxay ku shaaciyaan in weerarkaasi ay waxyeello kusoo gaarsiiyeen ciidanka Jabuuti.

Dhanka ciidamada Jabuuti wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkaasi, hase ahaatee xaaladda ayaa ah mid aad u deggan.

Goobjoog News