U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Gobolka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal ciidanka Jabuuti ee AMISOM iyo sidoo kale kuwa Al-shabaab ku dhexmaray duleedka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Dad ku dhow halka dagaalka uu ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog, in ciidanka AMISOM oo dhaq-dhaqaaqyo wada ay weerar kala kulmeen ciidamada Al-shabaab.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal aad u xooggan, kaasi oo Labada dhinacba khasaare soo kala gaarsiiyey.

Dadka shacabka ah ee waxyeellada kasoo gaartay dagaalkan ayaa lagu sheegay Saddex qof oo dhimasho ah iyadoo dhaawacuna intaasi ka badan yahay.

Xaaladda degmada Jalalaqsi waa ay deggan tahay, dhinacyadii dagaallamayna guullo ayeey kala sheegteen.

Goobjoog News