U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Qeybo Ka Mid Ah Shabeelaha Hoose

Sheeko:Amniga

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal saakay aroortii Al shabaab ay ku qaadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceelsaliini ee gobalka Shabeelaha hoose.

Al shabaab ayaa weerar qaraxyo ku bilawday waxa ay ku qaadeen degmada Qoryooleey, waxaana markaas wixii ka dambeeyay degmadaasi ka bilawday dagaal fool ka fool ah oo ciidanka dowladda iyo Al shabaab u dhaxeeyay, waxaana la soo sheegayaa in dagaalkaasi uu qaaatay saacado.

Al shabaab waxa ay sheegteen in dagaalkaasi ay khasaare xooggan ku gaarsiiyeen ciidanka dowladda, iyaga oo sidoo kale sheegtay in gacanta ku heynta Qoryooleey ay gacanta ku dhigeen.

Dhinaca kale Al shabaab waxa ay sheegeen in deegaanka Ceel Siliini ay weerareen islamarkaana ciidankii halkaasi ku sugnaa ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad hub, sida lagu daabacay bogoga lagu taageero dagaalamayaasha Al shabaab.

Saraakiil ka tirsan dowladda kuna sugan goobaha saakay la weeraray oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa ay dhinacooda sheegeen in weeraradii saakay ay soo qaadeen Al shabaab ay iska caabiyeen islamarkaana khasaare kala duwan ay gaarsiiyeen dagaalamayaashii weerarka ku soo qaaday.

Marka laga yimaado sheegashada labada dhinac ay kala sheeganayaan, ma jirto war rasmi ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarada lagu kala qaaday degmada Qoryooleey iyo deegaanka Ceel Saliini ee gobalka Shabeelaha hoose.

Inta badan Al shabaab ayaa weeraro kedis ah ku qaada fariisimaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobalka Shabeelaha hoose.

Goobjoog News