U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Shabeelaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Faahfaahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaal deegaanka Qalimoow ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo dagaalyahanada Al Shabaab dagaalkaas oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalkan oo dhacay waabarigii saakay ayaa yimid ka dib markii xubno ka tirsan Al shaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidanka dowladda ay ku lahaayeen deegaanka Qalimoow oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar.

Baraha internedka ee lagu tageero Al shaab ayaa lagu faafiyay in dagaalyahanada Shabaab ay dagaalkaasi ku dileen 13 askari oo ay ku jiraan laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka dowladda halka seddex kalane ay dhaawaceen sida ay sheegteen.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in gaadiid dagaal ay ku gubeen weerarkaasi.

Saraakiisha ku sugan hala uu weerarku ka dhacay oo aan la xiriirnay ayaa diiday in ay ka hadlaan khasaaraha dhabta ee ka dhashay dagaalkaasi

Inta badan weearada nuucan oo kale ah ayaa Al shabaab waxa ay ku bartilmameedsadaan fariisimaha ciidanka dowladda ay ku leeyihiin deegaanada iyo degmooyinka qaar ee dalka.

Goobjoog News