U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay xalay saq dhexe illaa iyo saakay waabarigii deegaanka Gololey ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ku lahaayeen halkaasi, waxaana dagaalka uu socday in ka badan saacad.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan ka dhacay deegaanka Gololey, mana jirto wax war ah oo dagaalkan ay kasoo saareen dhinacyadii dagaallamay.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale weeraro gaadmo ah ugu qaadday ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabellaha Dhexe.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News