U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Ka Dhacay Sool

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyey ciidanka Somaliland iyo koox hubeysan, kaasi oo ka dhacay gobolka Sool.

Rag hubeysan ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka Somaliland ku leeyihiin duleedka magaalada Laascaanood, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare in kastoo weli aan la ogaan inta uu la egyahay.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay iney ka tirsan yihiin Jabhadda Feysal Falalug oo kasoo horjeedda joogitaanka ciidanka Somaliland ee gobolka Sool.

Saraakiil u hadlay ciidanka Somaliland ayaa sheegay in ay iska caabiyeen raggii soo weeraray, sidoo kalena ay jiraan dad ay nolosha uga qabteen waa sida ay hadalka u dhigeenne.

Somaliland ayaa maalmahan dambe waxay dagaallo culus kala kulmeysaa jabhado hubeysan, kuwaa oo kasoo horjeeda maamulkaasi.

Goobjoog News