U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Xalay Ka Dhacay Deegaanka Siinka Dheer Ee Duleedka Muqdisho

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada DFS iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Siinka Dheere ee duleedka magalaada Muqdisho, kaasi oo khasaare uu ka dhashay.

Goob joogayaal ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalkan uu billowday kadib weerar ay dagaalyahannada Al-shabaab ku qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku dhimatay dagaalkan, iyadoo dhaawac Labada dhinac ahna lasoo sheegayo.

Xaaladda deegaanka Siinka Dheer ayaa saakay deggan, iyadoo gaadiidka dadweynaha ay si caadi ah u isticmaalayaan.

Dhinacyadii ku dagaallamay deegaankan weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalladan.

Goobjoog News