U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaal Xalay Ka Dhacay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Dagaal sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa xalay ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamo kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa rasaas isku weydaarsaday bartamaha magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka dhacay suuqa magaaladaasi wuxuuna ku billowday bam gacmeed ay isku tureen ciidanka oo meelo isku muuqda fadhiya.

Lama ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi waxaana arrintani ay ku soo aadaysa iyadoo magaalada Gaalkacyo uu ku sugan yahay wafdi ka socda dowladda federaalka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Cumar Cabdirashiid.

Xaaladda ayaa saaka ka yara deggan sidii xalay ay ahayd mana jiro wax dagaal ah oo ka jira magaalada inkastoo ciidanka ay ishorfadhiyaan.

Goobjoog News