U bood dhigaalka

Faah Faahin: Dagaalkii Gaalkacyo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal shalay illaa xalay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Inta la xaqiijiyey Labo qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaasi, sidoo kalena in ka badanna 5 kale dhaawac ayaa soo gaaray sida ay sheegayaan saraakiisha caafimaadka Gaalkacyo.

Dagaalkan ayaa billowday shalay xilli waxgaradka Labada dhinac ah ku howlanaayeen daminta xiisadda ka jirta Gaalkacyo, waxaana taasi ay keentay in dib u dhaco wada hadalladii lagu madalsanaa.

Waxaa saakay oo Talaado ah soconaya dadaallo kale oo ay wadaan waxgaradka islamarkaana ku doonayaan iney kusoo afjaraan dagaallada magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo waxaa saakay ka jira xiisad dagaal oo u dhaxeysa Puntland iyo Galmudug, waxaana laga baqayaa in mar kale dagaallo halkaasi ka dhacaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena

Goobjoog News